Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan habeenimadii xalay Villa Somalia ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Osman Jawaari, ayaa waxa ay uga arrinsadeen arrimo dhowr ah oo ay kamid aheyd Khilaafka iyo Mooshinka.
Madaxweyne Xasan oo walaac ka muujinaaya qaabka loo hirgalinaayo Mooshinka ayaa waxa uu Jawaari ka codsaday inuu fududeeyo mooshinka baarlamanka yaalla, si deg deg ahna cod ugu qaado.
Xasan Sheikh ayaa waxa uu gudoomiyaha ka dalbaday inuu la fuliyo 3 arrin oo muhiim ah kuwaas oo kala ah:-
1- In Jawaari uu kala jabsho xildhibaanada taagersan Cabdi Weli.
2- In Jawaari uu kasoo dabco mowqiifkiisa, ayada oo iminka uu jan-jeero dhinaca Cabdi Weli
3- In toddobaadkan gudihiisauu codka kalsoonida u qaado ra’iisul wasaare Cabdi Weli.
Kulanka labada Mas’uul ma uusan aheyn kulamadii looga bartay waxa uuna qaatay muddo kooban, iyadoona Xasan uu si aad ah ula dardaarmay Jawaari, balse ma cadda waxa Jawaari uu sameyn doono.
Arrintan ayaa imaneysaa, maalmo kadib markii Jawaari uu heshiis hordhac ah dhex dhigay labada dinaca, balse ay fashiliyeen xubno ka tirsan kooxda Damul-Jadiid, waxaana muuqata in Xasan uu beddelay mowqifkiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

