Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Aqalka madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku guul-darreystay in Golaha wasiirada uu ka dhaadhiciyo inay is-casilaan.
Ujeedka Xasan Sheekh ayaa ahaa in dhicitaanka Ra’iisul wasaare C/weli uu u adeegsado inay wasiirada xilkooda iska Casilaan, hayeeshe waxaa taasi ka dhaga adeegay wasiiro badan, oo aan iyagu badi ku qanacsaneyn inuu dhaco Cabdi Weli
Wasiirada ayaa walaac ka muujinaaya dhicitaanka Xukuumada Cabdi Weli taasi oo lagu micneeyay inay ilaalsanayaan xilkooda, maadama dhicitaanka Cabdi Weli uu saameyn adag ku yeelanayo, islamarkaana aysan hubin inay dib usoo laaban doonaan.
Xasan oo ilaa Seddex mar kulan la qaatay Wasiirada ayaa waxa uu taageero ka helay qaar ka mid ah wasiirada, hase yeeshee qaar kale ayaa diiday.
Wasiirada ogolaaday inay is-casilaan, ayaa iyaguna u sheegay madaxweynaha in maadaama qaar kale ay diideen inay is-casilaan aysan macno sameeneyn is-casilaadooda, haddiiba aysan dhammaan golaha wasiirada xilka ka wada dageyn.
Khilaafka Xasan iyo C/weli ayaa noqday mid marba marka xigta sii xoogeysanaya waxaana la saadalinayaa in biyo dhiciisa uu noqon doono in lagu kala baxo baarlamanka, oo iminka uu mooshin uu ka yaalo Cabdi Weli.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

