Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmahaani siyaabo kala duwan looga hadlaayay Khilaafka Xassan iyo C/weli, ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadlay Diplumaasiyoon ku xeel-dheer Siyaasada dalka.
Max’ed Axmed Nuur Caalim oo ah Diplumaasi Somaliyeed islamarkaana ku sugan magaalada Helisinki ee Dalka Filand ayaa waxa uu sheegay in Khilaafka uu yahay mid lagu niyad jabinaayo Bulshada saameyntiisuna ay iminka soo ifbaxeyso.
Waxa uu sheegay in DF aysan ku cusbeyn Khilaaf ka dhex dhasha Madaxda dalka, balse Khilaafkaani uu yahay mid quwad weyn, islamarkaana ay gacanta ka taagteen xubno kamid ah Beesha Caalamka.
”Waa khilaaf ka duwan kuwii hore waxaa suuragal ah in khilaafka uu saameyn ba’an ku yeesho tageerada beesha caalamka ee ku wajahan Somalia waana arrin halisteeda leh haddii aan wax laga bedelin”
Waxa uu sidoo kale, sheegay in xiligaan Khilaafka uu dhibaato hor leh u gaysan karo bulshada Soomaaliyeed oo mudo ka badan 22-sano dhibaatooyin la dalaa dhacayay.
”Waa arrin nasiib daro ah in Madaxweynaha uu Caro ka qaado Isku shaandheynta Wasiirada, taasi darteedna ay usii saa’ido Khilaafka”
Dhinaca kale waxa uu baaq u diray Madaxweyne Xasan sheikh Max’uud isagoona sheegay in wax aad looga wanagsan yahay ay tahay in wasiiro laysku badalay ay umad dhani dhibaato u gasho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

