Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu caawa kulan u socdo Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh, Wasiiro iyo Mudanayaal ka tirsan Golaha shacabka.
Kulanka ayaa ah mid xal lagu raadinaayo, iyadoona kulanka ay qeyb ka yihiin Xildhibaano kala taageersan Labada Mas’uul oo doonaya inay wax ka bedelaan Khilaafka labada Mas’uul u dhexeeya ee saameynta ku yeeshay Howlaha DF Somalia.
Qabashada kulanka ayaa ah mid ka yimid dhanka Wasiirada iyo Xildhibaanada kala taageersan Xasan iyo Cabdi Weli, oo madaxweynaha ka codsaday inay is-arkaan.
Xildhibaano kulllanka ka qeyb galaya ayaa sheegay inay rajeynayaan in ay natiijo wanaagsan kala soo tagaan Xarunta Madaxtooyada.
Siyaasiyiinta badi ayaa qaba in xalka uu ku jiro in Khilaafka lagu xaliyo wada-hadal oo uusan gaarin heer mooshin, iyadoona Siyaasiyiintaasi ay qabaan in Xasan iyo C/weli ay kasoo dabceen go’aanadii ad adkaa.
Dhanka kale, waxaa la filayaa in gudaha asbuucaani uu bilaaban doono kulamo is dabajoog ah oo Ujeedkooda lagu sheegay in leysaga horkeenayo Xasan iyo C/weli si xal waara looga gaaro Khilaafka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

