Muqdisho – Soomaaliya 14-kii sano ee ugu dambeysay waxay soo yeelatay 10 Ra’iisal wasaare.
Bal aan eegno xiriirka ka dhexeeya Xarafka Magaca Ra’iisal wasaare walba ka bilowdo iyo Khilaafka waxa ka dhexeeya.
1. Lix ka mid ah Ra’iisal wasaarayaashii dalka soo maray ka mid ah magacooda wuxuu ka bilaabanaayey xarafka (C).
– Cali Khaliif Galeyr,
– Cali Maxamed Geeddi,
– Cumar Cabdirashiid,
– C/Weli Gaas
– Cabdi Faarax Shirdoon
– C/Weli Sheekh Axmed (Hadda xafiiska haya..)
Lixdan masuul ee uu ku jiro Ra’iisal wasaaraha haatan mid walba Khilaaf adag oo dowladdiisa ragaadiyey ayuu la galay Madaxweynaha.
2. Labo Ra’iisal wasaare oo magacooda is dhaaf yahay oo misena keenay in Khilaafkooda uu isbedel ku keenay Hoggaankii dowladda:
– Xasan Abshir Faarax
– Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde)
In Kastoo Khilaafka Xasan Abshir iyo Cabdi-Qaasim Salaad dhex maray uu keenay inuu Cabdiqaasim xilka ka qaado Xasan Abshir kaddibna magacaabo Maxamed Cabdi Yuusuf, haddana taasi ma keenin inuu sii jiro hoggaankii Cabdiqaasim.
Halkii uu jalleecay Xasan Abshir oo aheyd Shirkii Imbagaati ee Kenya ayuu ka soo baxay Hoggaan Cusub oo ah Madaxweyne C/Laahi Yusuf Axmed.
Nuur Cadde ayaa isagana markii uu Khilaaf dhex maray isaga iyo C/Laahi Yuusuf, kana Jalleecay Shirkii Jabuuti waxaa dhacday inuu C/Laahi Yuusuf xilkiisii waayey oo meesha uu ka soo baxay Sheekh Shariif oo ahaa hoggaamiyihii Maxaakiimta Midoobay.
Labadan Ra’iisal wasaare ee magacyadooda ka bilowdaan (X iyo N) waxay sabab u noqdeen tagitaanka Madaxweynayaashii iyaga soo magacaabay.
3. Labo Ra’iisal Wasaare oo magacooda ka bilowday xarafka (M) labaduba waxay shaqadooda ka tageen iyagoo aan Madaxweynaha soo magacaabay is khilaafin balse daruufo kale ay meesha ka saareen.
– Maxamed Cabdi Yuusuf (Cabdiqaasim Ra’iisal Wasaarihii ugu dambeyey).
– Maxamed Cabdulaahi Farmaajo (RW dadku ugu jeclaayeen).
Labadan Masuul, midka koowaad isaga oo weli hawshiisii wata ayaa dowlad cusub lagu dhisay shirkii Imbagaati, shirkaas oo markii dambe iyadoo uu Cabdiqaasim joogo C/Laahi Yuusuf Axmed lagu soo doortay, isaga wax khilaaf ah lama imaan, markii la doortay cid kalena xilka wuxuu ku wareejiyey Cali Maxamed Geeddi oo ahaa Ra’iisal wasaarihii uu magacaabay C/Laahi Yuusuf.
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isaga oo hawshiisa wata ayaa xilka lagaga qaaday Kampala Accord (Heshiiskii Kampala) ee dhex maray labo Shariif, Mahigana uu garwadeenka ka ahaa.
Sidaas darteed, iyadoo loo aaneyn karo in ay ku magac yihiin Suubanaheena Muxamad haddana waxay ahaayeen dad hawl kar ah oo aan khilaaf isku shuqlin.
Haatan oo C/Weli oo magiciisa ka mid yahay Xaruurta Khilaafka ku astoobay uu khilaaf taagan kala dhexeeyo Madaxweynaha waxaa laga yaabaa inuu xilka kaga tago Mooshinka ka yaalla.
Haddii uu baxo, Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga doonayaa inuu iska ilaaliyo Magacyada ka bilowda (xarafka C), si khilaafka looga baaqsado. Haddii sida xantu tagay uu magacaabo C/Xakiin Daahir Saacid, waa talihii Booliiska ee hore, weli Liiska Xuruufta khilaafka ayuu 7 ku noqonaayaa. Haddii uu magacaabo Xuseen Cabdi Xalane oo ah Wasiirka maaliyadda ee haatan, magiciisa oo ka bilowda (xarafka X) darteed uu sabab u noqon karo in Madaxweyne Xasan uu xilkiisa waayo.
Sidaas darteed Xulashada Ra’iisal wasaaraha ha lagu saleeyo in marka hore la shareeyo magiciisa si loo ogaado inuu sedaxdaas Liis ee kore uu mid ka galo.
Qoraalkan yar ma lahan ujeeddo siyaasadeed, waa uun taxliil ay aniga ila gashay in aan dhan walba ka eego Khilaafka waxa sababa.
Qalinka: Abukar Albadri