Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Xildhibaanada taageersan R/W C/weli Sheekh Axmed ayaa inoo xaqiijiyay in kulan ay habeenimadii xalay la qaaten R/W C/weli uu kusoo idlaaday jawi wanaagsan.
Waxa uu sheegay in inta uu kulanka socday ay Ra’isulwasaaraha u sheegen Caqabadaha ka heysta dhanka Jawaari inta uu socdo is hortaaga Mooshinka, hayeeshee waxa uu ku booriyay inay laba jibaaran dadaalada ay ku hor istaagayaan Mooshinka islamarkaana ay u dulqaatan dhibaatooyinka yar yar ee ka hor imaanayo.
Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in R/W C/weli uu kula taliyay Seddex arrin oo kala ah:-
1- In ay niyad jab ka qaadan Mooshinada is xig-xiga oo ka imaanaya dhanka Xildhibaanada taageersan Xassan Sheekh.
2- In ay la kulmaan Madaxweynaha oo ay isku dayaan inay ku biiraan garabkiisa, waxa uuna u sheegay inay jiraan Xildhibaano loo soo xil saaray inay kala jabiyaan Garabkiisa.
3- In Jawaari ay la qaatan Kulan ama ay kala arrinsadaan arrimaha khuseeya Mooshinada.
Dhanka kale, waxa uu Xildhibaanka sheegay inay soo dhaweynayaan Qodobada uu faray R/W C.weli, waxa uuna Cadeeyay in habdhaqankooda uu noqon doono Foodo ay uga soo horjeedan Mooshinada, waa haddii aan la helin Cadaalad, sida uu hadalka u dhigay.
Arrintaani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ku hingooben hirgalinta Mooshinada ka dhanka ah R/W C/weli.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com