Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay uu fashil iyo buuq kusoo idlaaday Fadhigii Golaha shacabka ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Abwaan Maxamed C/llaahi Ciise ”Sangub” oo sheegay in qaabka loo adeegsaday Heesta Soomaaliyeey Toos ay tahay mid qaldan.
Abwaanka ayaa sheegay inuu aad uga carooday markii uu maqlay Soomaaliyeey Toos oo ay Xildhibaanada qaar u adeegsadeen Buuqii ka dhacay Xarunta Baarlamaanka.
Abwaan Maxamed C/llaahi Ciise”Sangub”ayaa sheegay in Heesta Soomaaliyeey Toos loo Adeegsado Nabadda oo aan loo Isticmaalin dagaal,waxaana uu Carabka ku dhuftay in Xildhibaanada qaaday aysan aqoon Micno ahaan, balse ay nasiib daro tahay in Khilaafka oo sii baahay, hadana la adeegsado Hees qaran.
“Waa Xad Gudub in Xildhibaanadii Soomaaliya ay Fowdo u qaadaan Heesta Qaranka,Xildhibanada iyaga ayaa laga rabaa in ay hagaan Bulshada Soomaaliyeed”ayuu yiri Sangub.
Dhanka kale, Sangub ayaa sheegay in Xildhibaanada ay meel uga dhaceen Qaranka Soomaaliya iyo Jiritaanka Ummadda intaba.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

