Muqdisho(Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax uu ka dhacay wadamada Maka- Al mukarama oo ay isticmaalaan dadweynaha iyo madaxda dowlada Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka H0telka Wehliye ee magaalada Muqdisho oo dhowr Mitir u jira xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa dhintay, waxaana goobta isku gadaamay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa gaari waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen, waxaana gaariga markuu qaraxay la sheegay inuu ka dhacay ruux, kaasi oo ay dhameystireen ciidamada dowlada Soomaaliya.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

