Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa kusoo idlaaday doorashada madaxweynaha maamulka koofur Galbeed oo ay isku soo sharaxeen 5 ruux.
Afar kamid ah shantii musharax ee isku soo taagay xilka madaxweynaha maamulka koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay iney iska tanaasuleen ayna ka tageen xilka madaxweynaha maamuka koofur galbeed Soomaaliya.
Aabo Awoow Suufi Xaaji Cafaan ,Siyaad Sheekh Daahir iyo Maxamed Xassan Faqi ayaa shaaciyay inay iskaga tanaasuleen musharaxnimadii ay ahaayeen.
Waxaa markii dambe shir gudoonka uu ku dhawaaqay in cod gacantaag lagu doorto maadaama Shariif Xasan uu cadeeyay inuu yahay musharaxa kaliya ee soo haray.
Waxaa shirka ka qeyb galay 394 xubnood oo doorashada loogu talo galay inay doortaan madaxweynaha maamulka koofur Galbeed.
Sideed ruux oo kamid ah ergadii shirka ayaa ka horyimid doorashada madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Gudoomiyaha shir gudoonka gudiga doorashada ayaa ku dhawaaqay 370 in ay u codeysay madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.
15 Ruux ayaa a sheegay inay diideen inuu madaxweynaha uu noqdo Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Halkan ka dhageyso khudbaddii Shariif Xasan

