28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Akhriso liiska magacayda xubnaha uu Xasan Sheikh u watay shirka Denmark

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne Xassan Sheekh oo uu Khilaaf adag kala dhexeeyo R/W C/weli Sheekh ayaa waxa uu go’aansaday in Shirka Dalka Denmark ka qeybgalsho Siyaasiyiinta ku Mabda ah iyo Ergooyin uu isaga xushay.
Sidoo kale, Waxa uu safarka ka reebay ilaa Afar Mas’uul uu ku daray R/W C/weli Sheekh Axmed, isagoona ku bedeshay kuwa kasoo horjeeda Xukuumada C/weli.

Caasimada Online oo Heshay Magacyada Mas’uuliyiinta Safarka ku wehlisa Xassan Sheekh ayaa waxa ay kala yihiin:-

1-Madaxwynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud

2-Wasiirka Arimaha Dibada Somalia Abdulrahaman Duale Beyle

3-Wasiirka Arimaha Gudaha Abdullahi Godah Barre

4-Wasiirka Gaashaandhiga Mohamed Sheikh Hassan Hamud

5-Wasiirka Maaliyada Husein Abdi Halane

6-Wasiirka Caadalada iyo Dastuurka Farah Cabdu qaadir

7-Wasiirka Arimaha Haweenka Khadiqo Mohamed Dire

Sidoo kale, waxa uu horay usii ka xeystay Mas’uuliyiinta ka arimiya Gobolada dalka qaarkood waxaana kamid ah:

1-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Hassan Mohamed Hussein (Mungaab)

2-Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow

3-Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Abdulkadir Mohamed Nur Siidii

4-Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Hussein Wehlie Cirfo.

Dhanka kale, R/W C/weli ayaa isna dhankiisa ka qaadacay inuu ka qeybgalo Shirka kadib markii uu daboolka ka qaaday inaan lagala tashan xulista Ergooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News