Booqashada waftigan ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan oo muhiim ah,kuwaas oo ay is weydiinayaan dadka Soomaalida gaar ahaan Aqoonyahanada,Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka kaleba,Waxaana su’aalahaasi ka mid ah kuwa soo socda:-
1-Sharci ma tahay in ay Dowladda Itoobiyo heshiisyo la gasho maamul goboleed Iyada oo ay jirto Dowladd Dhexe ?
2- Itoobiya ma waxa ay u aqoonsan tahay Somaliland dal madax banaan oo xor ah ? mise qeyb ka mid Soomaaliya
3-Dowladda Itoobiya uma aqoonsana miyaa Dowladda Federaalka in ay Iyadu tahay midda matasha Soomaaliya oo dhan ?
4-Itoobiyaanku ma aqoondaraa haysa mise waa kutalagal iyo kas hesgiiskii ay la gashay Somalinad ?
Dhamaan su’aalahani iyo kuwa kale oo ka dhashay heshiiskani, ayaa u baahan in laga jawaabo, si loo cadeeyo marxaladda uu ku sugan yahay dalkan iyo waliba Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh,taasoo la sheegay in ay ka baxday kumeelgaarkii islamarkaana ay tahay dowlad rasmi oo loo dhan yahay.
Sida uu qabo Sharciga Caalamiga ah, waa sharcidaro in ay Dowladda Itoobiya heshiisyo waaweyn la gasho maamul ka jira Dalka Soomaaliya oo aan ahayn Dowladda Federaalka maxaa yeelay, Dowladda Federaalka waa midda kaliya ee matasha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, islamarkaana uu Caalamku ictiraafsan yahay.
Inkasta oo ay tabar yar tahay Dowladda Federaalka, hadana wali waxa ay haysataa sharciyad iyo ictiraaf caalami ah,kaas oo uusan haysanin maamul kale oo ka jira dalka.Waxaa uuna Caalamku u aqoosan yahay Dowladdaasi in ay tahay midda kaliya ee ka wakiil ah dalka Soomaaliya oo dhan oo ay ku jirto Somaliland,Waxaana ku siinayaa tusaalayaal dhowr ah,Kuwaas oo kuu cadeynayo in ay Soomaaliya ka jirto hal dowlad oo kaliya,Islamarkaana masuul ka ah dalka oo dhan.
Tusaalaha koowaad, Dowladda Federaalka ayaa fadhisa dhamaan xarumaha iyo kuraasta ay Soomaaliya ku leedahay fagaarayaasha Caalamka oo dhan sida Qaramada Midoobay,Jaamacadda Carabta,Midowga Africa,Ururka iskaashiga Islaamka iyo waliba Urur Goboleedka Igad.Tusaale labaad, Dowladda ayaa wali maamusho dhamaan Safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd Caalamka oo dhan sida midda Washington,London,Qahira,Riyad,Doha,Istanbul,Nairobi iyo Adis Ababa.
Tusaalaha Sedexaad oo runtii aadka u muhiim ah waxaa weeye, in ay Magaalada Muqdisho ka furan yihiin dhamaan Safaaradaha uu Caalamku ku leeyahay Soomaaliya,taasoo runtii astaan in uu Caalamku aqoosan yahay Dowladdani.tusaalaha afaraad ee Isagana muhiimka ah waxaa weeye in aysan wax safaarad ah ka furneyn Magaalada Hargeysa ee ah xarunta Maamulka Dictator Siilaanyo.
Dhamaan tusaalayaashii aan soo xusay iyo kuwa kale oo badanba,Waxa ay tilmaamayaan in ay Dowladda Federaalka haysato sharciyad ay ku matasho dalka iyo dadka Soomaaliyeed,Islamarkaana siineyso in ay ku hadasho afkooda laakiin nasiibdaro raggii fursadaasi haystay waa kuwan iyaga isku mashquulay oo isku garaacayo caagadaha sida dad waalan oo kale
Inkasta oo ay Somaliland ku dhawaaqday mudda dheer in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, hadana ma jirto wali dowlad aqoonstay, umana malaynayo in la aqoonsan doono sababa badan oo jira awgood.Maamulkan uu hogaamiyo Dictator Siilaanyo, ayaa garaacay albaab kasta oo uu ku heli karo ictiraaf dowladnimo laakiin nasiib wanaag wali lama helin albaab furmo oo yiraahdo welcome xitaa kii gumeysan jiray (ingiriis) ee laga dabareebi la’yahay.
Marka aan hadalka soo kooobo, Soomaaliya wali waxa uu Caalamka u aqoonsan yahay hal dal oo leh hal dowlad haba tabar yaraatee,Waxa ayna Dowladdaasi fadhisaa Xarunta Umadda Soomaaliyeed muqdisho. Amma wixii ka soo haray Dowladdaasi waa maamul local ah oo hoostaga Dowladda federaalka, ama ha diido ama ha yeelo laakin sharciyan dalkan, waxa uu leeyahay hal dowlad oo kaliya waana midda uu Madaxda ka yahay Xasan Sheekh
Hadaba waxaan leeyahay, heshiiskii ay Dowladda Itoobiya la gashay Maamulka Siilaanyo waa mid sharci daro ah, islamarkaana xadgudub ku ah Qaranimada iyo Madax banaanida dalka Soomaaliya.Waxa uuna heshiiskani dhaawacayaa xariirka u dhaxeeya labad Dowladood iyo Labada Shacab hadaysan arintaasi ka noqon Dowladda Itoobiya, islamaraakana aysan raaligelin ka bixinin.
Dowladda Itoobiya wey og tahay, in ay Soomaaliya ka jirto Dowlad Dhexe oo matasha dhamaan gobolada uu ka kooban yahay dalka, hadaba sidee ku dhici kartaa in ay saxiixdo heshiis ceynkaasi oo kale ah Iyadoo og xaqiiqda ka jirta dalka, tusaale ahaan dalka Itoobiya waxa ka jira nidaam federaali ah,kaas oo awoodaha u kala qeybinayo Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada sida Soomaaliya oo kale, so why they do this ?
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid