27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

R/W Cabdiweli oo la shiray xildhibaano

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa  goor dhow Villa Somalia kulan muhiim ah kula qaatay Xildhibaano ka tirsan garabkiisa kuwaasi oo la sheegay inay ka mid yihiin kuwa ka difaacaya mooshinka ka dhanka ah.

XUbno ka tirsan Xafiiska Cabdi Weli ayaa sheegay in Cabdi Weli uu Xildhibaanadaasi kala hadlay heerka uu maraayo Khilaafka iyo Caqabadaha hortaagan oo ay ugu dambeysay wasiirada dalbaday is-casilaadda, isagoona u bandhigay go’aanka ay Wasiiro Ku-xigeenada iyo Wasiir Dowleyaasha ay ugu baaqen maanta inuu is-casilo.

Warar hoose ayaa sheegaya in Cabdi Weli arrintaasi u bandhigay, waxaana la tilmaamayaa in Xildhibaanadu ay isku raacen in R/W C/Weli uu ku adkeysto xilkiisa, waxa ayna ku wargaliyeen in siyaasadu tahay mid Wakhti weliba is bedeleyso, islamarkaana ay suuragal tahay inuu helo shacbiyad.

Waxa ay ugu baaqeen in haddii wasiiradu is-casilaan uu ku beddelo kuwa kale sidaa darteedna uusan marnaba ka fakarin is-casilaad.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa waxa ay Cabdi Weli u cadeeyen in mowqifkoodu uu yahay in Xassan Sheekh laga tuuro kursiga, inta ka horeysana ay sii laba jibaari doonaan dadaalkooda, waxaana arrintaasi soo dhaweeyay R/W C/Weli Sheekh.

Dhanka kale, Cabdi Weli ayaa ugu baaqay xildhibaanada tageersan inay ka faa’iideystaan maqnaanshaha Madaxweyne Xassan Sheekh, wuxuuna ku wargaliyay in guushu tahay mid dhow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News