Muqdisho(Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo Isniintii la soo dhaafay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
War-saxaafadeed ka soo baxay ergeyga Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa hambalyo loogu diray dhammaan qeybaha kala duwan ee ka qeyb-qaatay wada-hadallada socday bilooyinkii la soo dhaafay ee suurta-galiyay doorashada sida nidaamsan ku dhacday.
Wakiilka ayaa sidoo kale ku ammaanay dowladda federaalka Soomaaliya doorka ay ka qaadatay yagleelidda maamulka cusub, wuxuuna ku boorriyay inay sii waddo suurtagalinta hiigsiga 2016 oo ay ka mid tahay sameynta maamul goboleedyada.
Dowladda Mareykanka ayaa ku boorrisay madaxda maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed inay sameeyaan maamul loo dhan yahay, oo ka haqabtira dadka deegaanka baahiyaha ay qabaan.
Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulka cusub inuu wada-shaqeyn iyo la tashi la sameeyo dowladda Soomaaliya si loo suurtagaliyo in mustaqbalka maamul goboleed ka mid ah dowladda federaalka uu ka dhasho gobolka.
Mareykanka wuxuu kaloo sheegay inay ka go’an tahay inuu garab istaago dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, isla markaana uu taageersan yahay in Soomaaliya ay gaarto nabad buuxda iyo mustaqbal wanaagsan.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya oo ka kooban gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

