29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Xasan oo la kulmay xildhibaanada beesha Daarood (Maxaa kasoo baxay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madxaweyne Xassan Sheekh uu Xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Daarood.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in Xildhibaanadaasi uu kala hadlay Arrimo dhowr ah sida Khilaafka kala dhexeeya R/W C/Weli, Mooshinka iyo xal ka gaarida Khilaafyada.

Xasan ayaa waxa uu ka codsaday Xildhibaanada inay ka shaqeeyaan Howlaha Qaranka, islamarkaana ay taageeraan sidii khilaafka loo soo afjari lahaa oo uu ula jeedo sidii loo ridi lahaa Cabdi Weli.

Sidoo kale, waxa uu ka codsaday inay la hadlaan Xildhibaanada kale ee kasoo horjeeda mooshinka kana tirsan Beesha Daarood, si looga gudbo ayuu yiri Khilaafyada ay la yaabtay Beesha Caalamka, hase yeeshee waxaa codsiyada iyo soo jeedintuba kasoo horjeestay Xildhibaanada oo badi ahaa kuwa taageersan R/W C/weli.

Waxa ay dhankooda Xasan ugu baaqeen inuu kasoo dabco go’aanada ad adag ee uu ku adkeysanaayo, iyagoona u caddeeyay in ka xildhibaano ahaan ay la dhacsan yihiin qaabka xiligaani ay u shaqeynayso xukuumadda Cabdi Weli.

Dhanka kale, Kulanka oo ku dhawaad Laba saac qaatay ayaa waxaa lagu warramayaa inuu kusoo dhamaaday natiijo la’aan kadib markii xildhibaanada Daarood ay ka biyo diideen codsiga madaxweyne Xasan Sheekh.

Inkasta oo xildhibaanada diida mooshinka ay ku wada jiraan dhammaan beelaha Soomaalida, haddana badankood ayaa u badan kuwa beesha Daarood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News