28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Nicholas KAY & Mungaab oo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo loo baahnaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa waxa ay kulan ku qaateen Xarunta dad dhigista ee magaalada Muqdisho.

Kulanka labada Mas’uul oo qaatay ilaa Laba Saac, ayaa waxa ay Diirada ku saareen Dhowr Qodob oo kala ahaa Dar dar galinta Amaanka Caasimada Doorashooyinka Golaha Degaanka iyo sidoo kale dar dar galinta Howlaha Dariseynta Ee Maamulka Gobolka banaadir uu ku howlanaa dhawaanahaanba.

Sidoo kale, Wararku waxa ay sheegayaan in Gudoomiyaha Gobolka iyo Daniraha Qaramada Midaabay ay isla garteen Muhiimada ay leedahay Hirgalinta Qorshayaashaas iyadoo Kay uu Gudoomiyaha u Balan qaaday in uu Xafiiskiisu ka qayb qaadanayo Fududeynta Howlahaas Maamulka Gobolka Banaadir uu ku Howlanyahay in Caasimada laga hirgaliyo.

Afhayeenka Maaamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax {Seeko} ayaa Markii uu soo dhamaaday kulankoodu Waxaa uu Saxaafada uga Warbixiyay Waxyaabaha ay ka Wada Hadleen Gudoomiyaha Gobolka Gen Muungaab iyo Danjire Nicholas Kay.

“Waxyaabaha ay ka wada hadleen Gudoomiyaha iyo Danjiraha Waxaaka mid ahaa in kor loo qaado iska dhex galka Bulshada sidoo kale dar dar galinta Howlaha Qaramada Midaabay ay ka Hayso Dalka Gaar ahaan Caasimada Waxaa kale oo ay ka wada hadleen in Amaanka oo ay Wax badan ka qabsoomeen la dar dar galiyo iyo in loo gogol xaaro Doorashooyinka Golaha Degaanka oo la qorsheeyay in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo”ayuu Yiri Cali Seeko.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News