25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

XASAN oo la shiray beesha MURUSADE

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo aan ka heleyno dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegeysa in kulan dhex maray Madaxweyne Xasan iyo Xubno ka tirsan Beesha Karanle ”Murusade” uu kusoo idlaaday Fashil.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ujeedka kulanka uu ahaa mid taageero uu ku raadinaayay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, iyadoona kulanka ay qeyb ka ahaayen Xildhibaano, Siyaasiyiin kasoo jeedo Beesha, balse u jaranjeera dhanka R/W C/weli Sheekh.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Beesha ka dalbaday inay kasoo dhalaasho kalsoonidii kala dhexeysay, islamarkaana ay taageeran Mooshinka xilka looga tuuraayo C/weli.

Warar hoose oo aan ka helnay xubnaha shirka ka qeybgalay, ayaa inoo sheegay in Madaxweyne Xasan uu ku guul darreysatay kalsooni raadinta Beesha, iyagoona u cadeeyay Mowqifkooda oo ah inaysan suuragal aheyn inay taageeraan, ayna la safan yihiin Cabdi Weli.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu fursado siiyay Beesha si ay uga soo arrinsato taageerida Mooshinka socdo, waxaana la filayaa in kulan dambe ay isugu imaan doonaan labada dhinac.

Arrintaani ayaa imaaneyso xili Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Beesha Murusade ay la safteen garabka R/W C/weli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News