25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Magacyada iyo beelaha gudiga xalinta khilaafka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Garabyadda is khilaafsan ee Baarlamaanka ayaa markii ugu horeeysay magacaabay guddi ka kooban shan Xildhibaan kuwaas oo lagu wado inay maanta kulan la yeeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cabdi Weli.

Gudigga Xildhibaanadda la magacaabay oo ka kooban shan Xildhibaan ayaa kala ah:-

1- Xildhibaan Xasan Macalin = Hawiye – Abgaal

2-Xildhibaan Cabdullahi Axmed Xuseen Coonka = Beesha Shanaad, Jareer, Shiidle

3- Xildhibaan Cabdinasir Garjeex = Daarood – Mareexaan

4- Xildhibaan Sugule – Dir – Isaaq – Habaryoonis.

5- Xildhibaan Sayid Cali = Digil iyo Mirifle

Gudigaan xalinta khilaafaadka lama ogga sideey ugu guuleeysan doonaan iney xaliyaan khilaafka fogaaday ee Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, hase yeeshee dhinaca kalena waxaa jira odayaal dhaqameedyo u kala dhashay beelaha Hawiye iyo Daarood kuwaas oo isu xilsaaray iney isfaham ku dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, Garabka Madaxweyne Xasan waxay olole ugu jiraan sidii xilka qaadis loogu sameeyn lahaa Ra’isul wasaaraha, oo nooca wada-hadalka ay ogolaadeen uu kaas yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News