Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday wada hadalo iyo gorgortan siyaasadeed oo u socda Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisul Wasaaraha Cabdi Weli.
Gorgortanka iyo wada hadallada siyaasadeed ee socda ayaa ka kooban labo qaybood oo kala ah, qeyb Gudoonka Baarlamaanka, Wasiiradda iyo Xildhibaanada kala taageersan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha og yihiin iyo qeyb si hoose u socota oo ay og yihiin Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo Siyaasiyiin aad u yar, waxaana halkaan kusoo bandhigaynaa wadahadalada labada heer ah ee socda iyo siyaasiyiinta hor boodaya.
Wada hadalka marin habaabiska balse aan natiijada laga sugeyn.
Wadahadalkaan oo ujeedkiisa lagu sheegay in lagu xalinayo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyo kooxaha kala taageersan balse ujeedkiisa saxdaa yahay wada-hadal lagu daboolayo midka dhabta ah ee sida hoose ugu socda dalaaliinta kala mataleysa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo looga wada hadlayo lacagta la siinayo Ra’iisul Wasaaraha si uu isku casilo.
Wadahadalkaan ayaa ah mid lagu qaldayo gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada kala taageersan labada masuul, waxaana ku lunsan xildhibaanada iyo Wasiirada taageersan Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo weli rajo ka qaba in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha heshiiyaan oo wada shaqeeyaan.
Wasiiradda iyo Xildhibaanada taageersan Cabdiweli ayaa isugu jira xubno wasiiro ah oo ku dhow R/W Cabdiweli iyo Xildhibaano taageersan wasiiraddaa oo aaminsan hadii Xukuumadda Cabdiweli dhacdo inaysan soo noqon doonin iyo Xildhibaano badan oo Madaxweyne Xasan Sheikh uga soo horjeeda inay ka waayeen dano ay shaqsi ahaan ka doonayeen, kuwaa oo ku dhaqmaya siyaasadda cadawgaaga cadawgiisa waa saaxiibkaa. Xildhibaanada loo magacabay wadahadalka ah shimbirayahaw heesa waxaa ka mid ah:-
1. Xildhibaan Xasan Macalin (Hawiye/Abgaal)
2. Xildhibaan Cabdinasir Garjeex (Daarood/Marexaan)
3. Xildhibaan Sugule – (Dir/Isaaq/Habaryonis)
4. Xildhibaan Sayid Cali (Digil iyo Mirifle)
5. Xildhibaan Axmed Xuseen “Coonka” (Beesha 5-aad/Shiidle)
Wadahadalka qarsoon oo dhabta ah loogana hadlayo dhaqaaalaha iyo danaha kale
Wadahadalkaan oo ah mid si hoose ugu socda kooxo aad u yar oo kala matalaya Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa bilaawday kadib soo noqoshadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Xildhibaan Sharif Xasan ku yimid Magaalada Muqdisho.
Shariif Xasan oo ah qabiir ku fiican rogrogida siyaasadda oo shirar hoose la galay Madaxweynaha iyo Faarax Cabdulkadir iyo Gudoomiyaha Xildhibaanada Taageersan Ra’iisul Wasaaraha Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) ayaa la sheegayaa in wadahadaladaasi soo dedejiyeen isbedelkaan cusub oo ku yimid R/W Cabdi Weli kadib markii lagu qanciyey inay soo yaraatay rajada laga qabay in dib u wada shaqeeyaan Madaxweyne Xasan Sheikh. Wadahadaladaan sida qarsoodiga ah u socda waxaa qeyb ka ah:-
1. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh
2. Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cadiweli Sheikh
3. Madaxweynaha Koofur Galbeed Sharif Xasan Sheikh Aadan
4. Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Faarax C/Qaadir
5. Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer)
Wadahadalkaan hoose ayaa la sheegayaa in la isku mari la’yahay dhaqaalo 5 Milyan Doolar ah oo uu sheegtay R/W Cabdiweli in lasiiyo. Wadahadalka dhanka R/W Cabdiweli waxaa uga wakiil ah Xildhibaan Dhegdheer, dhanka Madaxweynaha waxaa wakiil ka ah Wasiirka Cadaaladda, Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Cabdulqadir, waxaa labada dhinac u kala dab qaadaya xaga dhaqaalaha Madaxweynaha Koofur Galbeed Sharif Xasan Sheikh Aadan.
Wadahadalkaan warar si hoose looga helay ayaa sheegaya in kooxda Madaxweyne Xasan Sheikh ogolaatay lacag Gaaraysa 2 Milyan Doolar ah inay ku sagootiso R/W Cabdiweli Halka kooxda metelaysa ugu danbeyn sheegatay inay ku qancayso lacag ugu yaraan ah 3 Milyan Doolar ah.
Labada kooxood ayaa la sheegayaa hadii heshiiska isku af gartaan oo lacagtu ku dhacdo accounts-ka ama wakiilada Sharif Xasan in Cabdi Weli is-casilo, ama cod baarlaman lagu rido. Wadahadaladaan ayaa ku fashilmi kara kaliya hadii la isku fahmi waayo oo
lagu heshiin waayo dhaqaalaha la siinayo Ra’iisul Wasaaraha.
Wadahadaladaan hadii ay guuleystaan ayaa waxay dhabar jab ku noqon doontaa kooxahaan kala duwan oo hoose.
1. Xildhibaanada Beesha Harti oo taageersan Dawladda Puntland ee Cabdiweli Gaas hogaamiyo, kuwaa oo ujeedkoodu ahaa inay abuuraan khilaaf iyo iska horjeed ku saleysan Daarood iyo Hawiye.
2. Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle oo ku xiran Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari kuwaa oo Madaxweyne Xasan Sheekh uga soo horjeeday aqoonsiga uu siiyay Maamulka KMG ee Koofur Galbeed ee uu hogaamiyo Sharif Xasan Sheikh Aadn.
3. Xildhibaanada Beelaha Hawiye oo gaarayey ilaa 30 kuwaa oo u badan beelaha Mudulood, Habargidir iyo Murursade kuwaa oo Madaxweyne Xasan Sheikh uga soo horjeeday dano shaqsi oo ay ka waayeen, taageerida R/W Cabdiweli-na ku qasabtay naceyb ay u qabaan Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Kooxda Damujadiid.
4. Xildhibaanada Beesha Dir oo ay hogaamiyaan Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ridwaan iyo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cawad kuwaa oo ujeedkoodu ahaa inay markasta taageeraan siyaasad kasta oo ka dhan ah Beesha Hawiye iyo hogaankooda. Siyaasaddaa oo ay kula mideysan yihiin Beesha Harti Daarood.
5. Xildhibaanada Beesha Sade oo ka kooban 14-ka xildhibaan oo intooda badan taageeray R/W Cabdiweli beel ahaan kadib markuu soo baxay khilaafka xoogan oo RW-ha kala dhaxeeyay Madaxweynaha balse beesha Sade ayaan dan ku qabin R/W Cabdiweli.
Dhabar jabka ugu weyn ayaa kusoo fool leh Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo xilkiisa weyn doona sida qorshuhu yahay hadii heshiiskaan uu garwadeenka ka yahay Shariif Xasan Sheikh Aadan hirgalo oo R/W Cabdiweli is casilo.
Fashilkaan siyaasadeed ee kusoo socda Prof. Jawaari ayaan aheyn midkii koowaad, balse wuxuu imaanaya dhabar jab iyo qiyaano dhowaan ay ku sameeyeen Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli kadib markii ay Prof. Jawaari la saxiixeen warqad lagu hakinayey Shirka Koonfur Galbeed ee Baydhabo ka socda oo Jawaari diidanaa, shirkaas oo aan la joojin oo Madaxweynaha iyo Cabdi Weli si hoose ugu fasaxeen Shariif Xasan, markii doorashadu dhacdayna aqoonsadeen Madaxweynanimada Maamulka KMG ah ee Koofur Galbeed ee Sharif Xasan hogaamiyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]