Muqdish (Caasimada Online)- Dagaal khasaaro geystay ayaa ka dhacay deegaan ku yaala bariga gobolka Galgaduud, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac, sida uu sheegay gudomiyaha gobolka Galgaduud ee dowada Soomaaliya.
Dagaalka ayaa gelinkii dambe ee shalay ka bilowday deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kaasi oo la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidamo maleeshiyaad ah oo wada daga deegaankaasi.
Gudoomiyaha gobolka Gal-Gaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa sheegay in dhankooda ay ka qeyb qaadan doonaan sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa, waxaana la sheegay in ku dhawaad 16 ruux ay ku dhinteen dagaalka ka dhacay duleedka Xarardheere.
Waaberigii saaka ayuu dagaalka xoogiisa ka dhacay deegaan hoostaga gobolka Gal-Gaduud, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu u dhaxeeyo dad ku kala abtirsada beelaha daga gobolka Galgaduud.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]