Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu qorshaha ahaa in maalinta bari ah la qabto kulanka Baarlamaanka DF Somalia ay ku gudbin lahaayen Mooshinka Xukuumadda laga soo gudbiyay, ayaa waxa ay warar hoose sheegayaan in kulankaasi uu baaqday.
Baaqashada kulanka ayaa waxaa xaqiijiyay Xildhibaan Jaamac Axmed oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Somalia, waxa uuna sheegay in Gudoonka Baarlamaanka ay Golaha kuwar galiyeen inuu baaqday kulanka Bari lagu balansanaa.
Waxa uu sheegay in Maalinta Tallaadada ah lagu balamay in arinta Mooshinka laga hadlo, waxa uuna intaa raaciyay in Mowqifka Xildhibaanada uu sidiisa yahay.
Sidoo kale, Xildhibaan Jaamac Axmed waxa uu sheegay in xalay ay kulmeen labo guddi oo ka kala socday Xildhibaanada Mooshinka diidan iyo kuwa Mooshinka wada la iskuna afgartay in maalinta tallaadada ah Mooshinka Xildhibaanada loo qaybiyo, kadibna ay soo aqristaan si looga doodo.
Dhanka kale, Xildhibaan Jaamac Axmed ayaa tilmaamay in xaalada sidaasi ay hada mareyso oo la isku afgartay kulankii labada guddi ay isugu yimaadeen.
Arrintaani ayaa waxa ay ka turjumeysaa in Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee kala aragtida fogaa ay hada isku soo dhawaanayaan, mooshinkana la ogolaaday in si caadi ah loo qaybiyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]