29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

WASIIRO looga yeeray XARUNTA BFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa u yeeray wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya si ay u horyimaadaan golaha shacabka.

Wasiirada loo yeeray waxaa kamid ah wasiirka maaliyada iyo wasiirka arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya, kuwaasi oo laga doonayo inay xubnaha baarlamaanka hortooda ka aqriyaan hindise sharciyeedyo ay diyaariyeen.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in wasiiradaasi ay maalinta berito ay hortagi doonaan xilldhibaanada, iyadoo la qorsheynayo in ilaa gelinka dambe xildhibaanada ay shaqeynayaan.

“Berito waxaa la galayaa aqrinta koowaad, waxaan ka doodi doonaa qorshaha xadeynta xuduudaha iyo arimaha doorashada, haddii aan ka gaarno”ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Jawaari.

Kulanka maanta xildhibaanada baarlamaanka ay yeesheen ayaa ka duwanaa kulamadii hore maadaama buuq uu kusoo idlaan jiray kulumadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News