25.8 C
Mogadishu
Saturday, July 19, 2025

Kursigii xildhibaan ee Shariif Xasan Sh. Aadan oo loo dhaariyey wiil uu dhalay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow xarunta golaha shacabka gaaray gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari iyo ku xigeenadiisa.

Xildhibaanada baarlamaanka Soo xaadiray ayaa lagu sheegay inay gaarayaan 207 xildhibaan oo kala taageersan madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wariye ku sugan golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa inoo sheegay in gudoomiye Jawaari uu furay kulanka maanta oo ka duwan kulamadii hore ee buuqa ku bilaaban jiray.

Xildhibaanada ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwo aan buuq sameyn markii gudoomiyaha  baarlamaanka uu ku dhawaaqayay furitaanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Sidaan horay idiin kuugu sheegnay xarunta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxay maanta ka doodayaan afar ajande oo kala ah dhaarinta xildhibaanka badalaya Shariif Xasan Sheikh, mooshinka ka dhanka ah xukuumada iyo labo hindise.

C/qaadir Xasan Sheikh Aadan oo uu dhalay Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa loo dhaariyay xildhibaan baarlamaanka ka tirsan, maadaama walaalkii uu noqday madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News