Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow lasoo xiray kulankii Baarlamaanka DF Somalia ee Xildhibaanada loogu qeybinaayay Mooshinka ka dhanka ahaa R/W C/weli Sheekh Axmed iyo xukuumadiisa.
Kulanka oo sidii loogu talo galay u dhacay ayaa waxa uu bari kasii socon doonaa halkiisa, iyada oo uu hor imanayo Wasiirka maaliyadda si wax looga weeydiiyo miisaaniyadda 2015-ka oo maanta baarlamaanka laga qeybiyey, lana doonayo in la ansixiyo.
Soo xirida kulanka ayaa waxaa Xarunta Khudbad ka jeediyay Gudoomiyaha Baarlamaanka DF Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sheegay in Xildhibaanada looga baahan yahay inay is xil qaaman, islamarkaana ay u hogaansamaan sidii lagu xalin lahaa wax waliba oo Khilaaf ka dhex dhalinkaro Madaxda Qaranka.
Waxa uu Tilmaamay in BF Somalia uu u taagan yahay sidii cadaalad loogu dhaqi lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa uuna ka mahad celiyay sida hufan oo ay Xildhibaanada u guteen waajibaadkooda.
Jawaari ayaa soo hadal qaaday Mooshinka waxa uuna Farta ku goday in wax waliba ay u hirgalin doonaan sidii loogu tallo galay, waxa uuna gaashanka ku dhuftay in uu mooshinka ku wargaliyey R/W C/weli Sheekh Axmed, islamarkaasina uu baarlamaanka hor iman doono si uu isu difaaco.
Jawaari oo halkaasi kasii ambaqaadayay hadalkiisa ayaa waxa uu yiri “Insha allah Sabtida nalama dhaafi doono Mooshinka iyo imaanshaha R/wasaare C/weli”
Dhanka kale, waxaa sidoo kale maanta xilka xildhibaanimada baarlamaanka loo dhaariyey Cabdiqaadir Shariif Xassan Sheekh Aadan oo uu dhalay Shariif Xassan oo Dhawaan loo doortey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa la qeybiyey hindise sharciyeedka gudiga doorashooyinka qaranka iyo waliba federaalka, iyo miisaaniyadda sanadka 2015-ka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]