32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Qorshe cusub oo socda iyo r/wasaare Cabdi Weli oo baarlamanka hortagaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta si nabad ah uu kusoo idlaaday kulankii ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo qeybiyay mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa waxaa lagu balamay in maalinta khamiista ay ku kulmaan xarunta golaha shacabka, ka hor kulanka codeynta oo dhacaya maalinta sabtida ee soo socota.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa ka hor sheegay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in Ra’iisul wasaare C/welli uu hortagi doono xildhibaanada,uuna xaq u leeyahay inuu is difaaco.

Waxaa la qorsheynaya in C/welli Sheikh Axmed uu hortago xildhibaanada si uu isdifaacid u sameeyo, ka hor inta xildhibaanada codka kalsoonida aysan u qaadin xukuumada r/wasaaraha.

Gudoomiye Jawaari ayaa dhanka kale mahad celin u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii maanta aysan wax buuq ah ka sameyn xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News