28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

VIDEO: BFS oo ka dooday MOOSHINKA codka loogu qaadayo R/W Cabdi Weli

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heer gabogabo gaaray kulankii Xildhibaanada BF Somalia, iyadoona goor dhow Xildhibaanada loo qeybiyay waraaqaha xildhibaanada saxiixey mooshinka.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sidoo kale, u guda galeen ka doodista Mooshinka codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Xukuumadiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Cusmaan Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa waxa uu Cod dheer ku sheegay in Mooshinka ay saxiixeen 138 xildhibaan, waxaana xildhibaanada loo qeybiyey magacyada xildhibaanada saxiixey.

Gudoomiye Jawaari ayaa waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in Fadhiga ay soo xaadireen ilaa 191 xildhibaan oo suuragaliyay ka doodista Mooshinka.

Sidoo kale, waxaa iminka masraxa BF taagan oo mooshinka akhrinaya Xildhibaan Col. Axmed Mayoow Ruush oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka keeney, waxa uuna goobta ka sheegay in BF ay maslaxad ugu jirto inay iska soo afmeeran Arrimaha Mooshinka.

Dhanka kale, Warqad uu baarlamaanka ka hor akhriyey guddoomiyaha baarlamaanka oo ka timid Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh ayaa qeexeysa in Ra’isulwasaaraha uu ka cudur daartay in uu hor yimaado baarlamaanka si uu isu difaaco.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News