29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dhageyso: Ra’iisul wasaare uusan soo magacaabin madaxweynaha oo lagu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maryam Cariif oo ka mid ahaa xildhibaanadii shalay ka qeybgalay doodii mooshinka ee ka socotey baarlamaanka ayaa aragtideeda ka dhiibatay khilaafka madaxda ee soo noqnoqdey.

Waxa ay sheegtey in khilaafka uu sii socon doono inta laga helayo dastuur ay ku kala qeexan yihiin awoodaha madaxda dalka, ama maxkamad dastuuri ah oo go’aankeeda aanan laga dabo hadli karin.

Waxa ay sheegtey in loo baahanyahay Ra’isul wasaare aanan magacaabis uga baahneyn madaxweyne ee xilka ku yimaada aqlabiyad baarlamaan oo uu xisbigiisu leeyahay, haddii taasi la heli waayana ay shacabka Soomaaliyeed si toos ah usoo doortaan madaxweyne iyo ku xigeen leh awood fulineed.

Waxa ay carrabka ku adkeysey in loo baahanyahay in la sameeyo xisbiyo siyaasadeed oo aqlabiyad ku kala hara, taasi oo yareyn karta khilaafka madaxda sare ee dalka.

Halka hoose ka dhageyso xidhibaan Maryan Cariif

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News