28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Ax’ed Faal oo dil loogu hanjabay haddii uu qabto GOBOLKA SH/DHEXE!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Gobolka Sh/Dhaxe, ayaa sheegaya in dil loogu hanjabay Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) oo loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee dhinaca Siyaasada iyo Amniga Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe.

Axmed Faal ayaa waxaa dhawaan lagu bedelay guddoomiye ku-xigeenkii hore Yuusuf Cabdi Cabdulle, waxa uuna xiligaani wajahayaa walaac kasoo foodsaaray Beesha Abgaal oo uu isagu kasoo jeedo.

Warar hoose ayaa sheegaya in Saraakiisha lafta uu kasoo Jeedo ay ugu galeen hoygiisa, islamarkaana ugu hanjabeen inay nafta ag dhigi doonaan waa haddii uu damco inuu qabto xilkaasi.

Sidoo kale, Axmed Faal, ayaa waxa uu Odayaasha beeshiisa siiyay lacag dhan 50,000$ balse ma aysan suuragalin inay ku qancaan lacagtaasi.

Dhanka kale,Gudoomiyaha ayaa waxa uu weli ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, mana uusan ku dhiiran inuu qabto xilkaasi, kadib markii lafta uu kasoo jeedo ugu hanjabtay inay dilayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News