Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdi Maxamed Abti-doon oo ka tirsan Golaha shacabka DF Somalia, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in xiligaani Golaha Wasiirada ay kala jaban yihiin.
Xildhibaanka ayaa waxa uu arrintaasi Mas’uuliyadeeda ku eedeeyay Madaxweynaha DF Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, waxa uuna cadeeyay in kala Qeyb-sanaanta ka dhex-jirta golaha Wasiirada Somalia laga hagaayo Villa Somalia.
Sidoo kale, Xildhibaan Abti-doon waxa uu Tilmaamay in arrintaani ay bilaabatay tan iyo markii uu dhashay Khilaafka islamarkaana uu R/W C/weli sameeyay isku shandheynta Golaha Wasiirada.
Xildhibaanka ayaa sheegay in taasi ay ugu wacan tahay hadalkii madaxweynaha uu ku amray in wasiiradii lagu sameeyay isbadelka shaqadooda sidooda u sii wataan.
Dhanka kale, Cabdi Max’ed Abti-doon waxa uu ku baaqay in la joojiyo abaabulka Colaadeed ee laga dhex wado Villa Somalia, isagoona ku taliyay in Madaxweyne Xassan uu ka fiirsado kala geynta Wasiirada.
Xildhibaan Abti-doon waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in Ra’isulwasaaraha dalka uusan sidan ku shaqeyn karin maadama uu sheegay in la heysto oo madaxtooyada laga soo abaabulayo kala qeyb-sanaanta xubnaha Golaha Wasiirada xukuumada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]