Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa shalay galinkii dambe soo gaaray duleedka waqooyi ee magaalada Garowe Ciidamo gadoosan oo saldhig ku lahaa tan iyo sanadkii lasoo dhaafey deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegey in gadoodka ciidamadan oo saldhig ku lahaa furinta u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ay ka dambeyso kadib markii la bixin waayey mushahrkoodii muddo gaareysa 4 bilood iyadoo dhinaca kale laga waayey sida xogtaan tibaaxeyso xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas adeegyadii shidaalka.
Dhinaca kale Ilo madax banaan ayaa sheegaya in subaxnimadii horre ee shalay in ciidanka gadoodsan si xoog ah ugala degeen gadiidka xamuulka ee marayay wadada isku xirta Garowe iyo Laas-caano shidaal ay kaga soo guureen jiida Tuka-raq.
Ma ahan markii ugu horeysay ay kasoo muuqato Puntland ciidamo gadoodsan oo musharkoodii waayey tan iyo intii ka dambeysay isbedelkii doorashooyinka dhacay horaantii sanadka 2014.
Dhinaca kale wararka aan ka heleyno xubno ku dhow dowlada ayaa sheegaya iney socdaan dhaqdhaqaaqyo dib loogu celinayo ciidamadaan soo baneeyey fariisimadaan muhiimka u ah difaaca Puntland iyadoo la sheegayo in xukuumada Gaas baadigoob ugu jirto xalinta cabashooyinkooda.
Bilihii ugu dambeeyey, ayaa maamulka Puntland waxa uu la liicayey dhaqaale xumo baahsan, oo keentay in ciidamo badan gadoodaan, lana xiro qeybo ka mid ah xabsiga weyn ee dhowaan laga dhisay Garoowe.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

