Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay muddo dheer Ethiopia hamineysay helitaanka mid kamid ah Dekadaha Somalia, ayaa waxaa iminka suuragal noqotay in DF Somalia ay Ethiopia u hibeyso Dekad Baraawe.
Ujeedka Shariif Xassan loogu dhiibay Maamulka Seddexda Gobol, ayaa la sheegaya inuu yahay mid ku xeendaaban baahiyaha Dowlada Ethiopia oo aan laheyn Dekado ay kala soo dagaan adeegyada u gaarka ah.
Dowlada Ethiopia oo ka duuleyso Baahiyaheeda, ayaa waxa ay DF Somalia ku cadaadisay in Shariif Xassan loo jaro Seddexda Gobol islamarkaana Ergooyinka doortay ku bixisay dhaqaale adag si Magaalada Baraawe looga dhigo Caasimada Maamulkaasi.
Baraawe ayaa iminka ah Xarunta laga maamuli doono Maamulka Seddexda Gobol, iyadoona la filaayo in Gabi ahaan maamulka Dekada Baraawe ay la wareegi doonaan Ciidamada Ethiopia ka jooga Somalia, gaar ahaan kuwa xiligaani lagu naas-nuujinaayo Gobolada Bay iyo Bakool.
Ilo-wareedyo madax-banaan, ayaa xaqiijinaaya in isku xirka Ganacsigaani hoose uu ahaa mid uu ka dambeeyay Wasiir Faarax C/qaadir oo isagu xiriir qoto dheer la leh Dowlada Ethiopia iyo madaxweyne Xasan Sheekh
Wasiirada, Xildhibaanada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa iyagu ah kuwa aan xiligaani ku baraarugsaneyn Siyaasada ku jirto magacaabida Shariif Xassan iyo Ujeedka Baraawe looga dhigay Caasimada Maamulka Seddexda Gobol.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

