Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia ku sugan wafdi uu horkacayo madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Maxamed Warsame Darwiish, la-taliyaha madaxweynaha Maxamed Cabdinuur. Waxaa kale wafdiga madaxweynaha kasii horeeyay wafdi kale oo uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Generaal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ”Fartaag” waxaana wafdigaasi la socday gudoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe Cabdirashiid Jire Qalinle.
Ujeedka safarka mas’uuliyiintaasi ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid salka ku hayo arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, dekada iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Warar hoose oo aan helnay, ayaa sheegaya in mas’uuliyiintaasi ay dowlada Ethiopia kala hadlayaan sidii ciidamada Ethiopia ay ula wareegi lahaayeen ammaanka Dekada iyo Garoonka Kismaayo.
Maamulka Axmed Madoobe ayaa doonaya in haddii ciidamada Kenya ay ka baxaan Kismaayo lagu wareejiyo kuwa Ethiopia, asaga oo ka shaki qaba ciidamada kale ee Amisom, oo uu aaminsan yahay in Muqdisho laga xukumo.
Dhanka kale, waxaa hadda Kismaayo ku sugan saraakiil iyo siyaasiyiin ay dowlada Ethiopia usoo dirtay kuwaasi oo la tilmaamey in ujeedkooda uu yahay inay indha indheeyan xaaladaha garoonka iyo dekada.
Arrinkaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalin ka hor aan daabacnay warar la xiriiro wafdiga ka socda Ethiopia ee jooga magaalada Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

