Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo katirsan Baarlamaanka DF Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Habeenimadii xalay kulan xasaasi ah uu dhexmaray Wasiiradii taagersanaa go’aanada R/W C/weli Sheekh ka hor inta uusan weyn kalsoonida.
Wasiiradaani ayaa ka arinsanaayay sidii ay dib ugu soo laban lahaayen siyaasada dalka, iyagoo aan wax rajo ah ka qabin madaxweynaha xili maalinimadii shalay kalsoonida lagala laabtay Xukuumadii uu talada u hayay RW C/weli.
Wasiirada ku kulmay Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Amniga qarana Khaliif Ereg, Awqaafta iyo arrimaha diinta Ridwaan iyo kuwa kale, oo la safnaa Cabdi Weli.
Sidoo kale, waxay Wasiirada kulmay ay muujiyeen walwal ay ka qabaan sidii ay Masraxa siyaasada dib ugu soo laaban lahaayen inta uu talada dalka haayo Madaxweyne Xasan Sheikh, maadaama ay ku guul dareysteen qamaarkoodii siyaasadeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]