28.2 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xog: Cabdi Weli oo siyaasad & qiyaano cajiib ah loo dhigay loogana badiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed iyo xukuumaddiisa ayaa dhacay shalay kadib markii uu baarlamanka kala laabtay codka kalsoonida.

Ra’iisul wasaaraha ayaa helay kaliya codadka 80 xildhibaan, halka 153 ay diideen. Tiradaas ayaa la yaab noqotay, maadaama kooxda ra’iisul wasaaraha ay horey u sheegeen inay heystaan codadka 118 xildhibaan.

Xidlhibaan codsaday inaan magaciisa la shaacin, oo xog xasaasi ah siiyey Caasimada Online ayaa sheegay inay jireen xildhibaano badan oo muujiyey inay taageero u yihiin Cabdi Weli, balse xaqiiq ahaan si hoose ula safnaa madaxweynaha.

“Waaa jiray xildhibaano lagu siray ra’iisul wasaaraha, oo looga dhigay inay asaga raacsan yihiin, si uu isu dhigto” ayuu yiri xildhibaanka

Isaga oo sharxaya arrintan, ayuu xildhibaanka waxa uu sheegay in qorshahan uu ahaa mid laga soo dejiyey Villa Somalia, oo ujeedka ka dambeeya uu ahaa sidii ra’iisul wasaaraha loo ridi lahaa.

“Markii kooxda raacsan Cabdi Weli ay ka socon waayeen kulamadii baarlamanka, ayaa la dejiyey qorshe ah in xildhibaano badan loo jebiyo dhankooda, si ay ugu qaataan inay heystaan codad ku filan, oo ay u aqbalaan kullanka baarlamanka, waana ay dhacday taas shalay” ayuu yiri xildhibaanka.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa warbaahinta waxa ay werineysay in xildhibaano taageersanaa madaxweynaha ay u jabeen dhanka ra’iisul wasaaraha, waxaana hadda cad in Cabdi Weli loo dejiyey siyaasad cajiib ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News