Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud oo mar kale ka hadlay Arrinta la xiriirta Khilaafka iyo kalsooni kala laabashada R/W C/weli sheekh Axmed, ayaa waxa uu sheegay in DF ay dabooli doonto arrimahaasi oo idil.
Xassan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in Mudadii uu jiray Khilaafka kala dhexeeya Ra’iisul Wasaarihii Kalsoonida lagala Noqday C/wali Sheikh Axmed uu Hakad ku yimid Howlihii Dowladda Somalia,taasna ay sabab u aheyd Khilaafka Dheeraaday, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale, sheegay in hada ay qorsheynayaan in la sii laba jibaaro Howshii Baaqatay lana sii xoojiyo.
Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu daboolka ka qaaday inay la imaan doonaan Xukuumad dardar galin doonto Howlihii u baaqday Khilaafka awgii, waxa uuna shacabka soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyaan Hay’ada DF Somalia si loo soo celiyo Waqtigii ku dhumay Khilaafka.
Dhanka kale, Khilaafkii Shalay la soo Afjaray ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa soo jiitamaayay ku dhawaad Bil iyo bar,iyadoona ugu danbeeyn Shalay Baarlamanaka Soomaaliya ay Codka Kalsoonida kala Noqdeen Xukumadii C/wali Sheikh Axmed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

