25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Qoraalkii ka soo baxay Xeer ilaaliyaha oo xiisad culus ka dhex abuuray DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo galinkii dambe ee shalay warqad kasoo kala baxday Xafiisyada xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo lagu mamnuucay Safarada Wasiirada iyo ku-xigeenadooda ay ugu baxayaan dalka dibadiisa ayaa waxaa arrintaasi ka dhashay Xasaasi abuurtay kala irdhoobida Madaxweyne Xassan iyo qaar ka tirsan Golaha wasiirada.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan Xukuumadii kalsoonida lagala laabtay, ay gaaren Xafiiska Madxaweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia iyo kan xeer ilaaliyaha Qaranka kuwaasi oo ka dacwoonaayay sharaf dhac lagu sameeyay Jiritaankooda.

Wararku waxa ay hoosta ka xariiqayaan in Wasiiradaasi ay Madaxweynaha u sheegen in ka wasiiro ahaan gaf laga galay, kadib markii loola dhaqmay qaab ka duwan kalsoonidii lagu qabay.

Waxa ay madaxweynaha ku wargaliyeen inay wareejin doonaan xilalka wakhti waliba ee loogu baaqo, balse Warqadii ka soo baxday Xeer ilaaliyaha ay tahay mid loogu talo galay in lagu nusqaamiyo sharaftooda, islamarkaana laga dhigo Mas’uuliyiin baxsad ka ah dalka.

Sidoo kale, waxa ay xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka guud ee Qaranka ku wargaliyeen inaysan awood u laheyn inay hakiyaan Safaro ay uga dhoofayaan dalka dibadiisa, waxa ayna ugu baaqen inay ka bixiyaan raali galin maadama ay meel uga dhaceen sharaftooda, islamarkaana ka dhigeen kuwo la baxsanaayo xilka iyo dhaqaalaha wasaaradahooda.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan oo arrintaasi ka qanciyay Wasiirada ayaa waxa uu ka dalbaday inay ka dhowr sugaan Natiijada kasoo bixi doonto kulankooda, isagoona ka raali galiyay qoraalka lagu mamnuucay Safaradooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News