Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxameed, ayaa sheegaya in Banaanka Xafiiska Madaxweynaha ay buux dhaafiyeen Odayaal kasoo kala Jeedo Beelaha mudan Ra’isulwasaaraha.
Ilo-wareedka ayaa waxa uu Tilmaamayaa in Odayaashaasi ay yihiin isku dhaf, islamarkaana ay wataan Liisas dhaadheer oo ay ku hardhan yihiin Shaqsiyaad isugu jiro Ganacsato iyo Siyaasiyiin xil doon ah.
Waxa uu intaa ila wareedka kusii darayaa in Odayaasha ay hal hal ula kulmayaan Madaxweynaha islamarkaana ku wareejinayaan Liisaska, si ay uga qeyb noqdaan Xukuumada Cusub ee dhawaan la soo magacaabi doono.
Sidoo kale, waxa ay ishu qabaneysay Odayaasha oo balamo adag la dhiganaayay Madaxweyne Xassan, inkastoo ay xogtu tibaaxeyso in Madaxweynaha uu isla Xafiiska kulan gaar ah kula qaatay Odayaal la sheegay inay kasoo jeedan Beelaha xaqa u leh Xubinta Ra’isulwasaarenimo.
Ujeedka Odayaasha ayaa ahaa sidii ay ku buuxin lahaayen Xubnaha ay ku dhex leeyihiin Xukuumada Cusub, walow muhiimada ugu weyn ay tahay inay gudbiyaan Shaqsiyaadka iyaga u cuntama.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

