28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

AMISOM oo war cad ka soo saartay xil ka qaadistii lagu sameeyey R/W C/WELI

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjira Midowga Africa Soomaaliya sidoo kalana hogaamiya howl galka AMISOM Soomaaliya Maman Sidikou ayaa war uu xafiiskiisa ka soo saaray ku taageeray qaabka xildhibaanada u wajaheen kala saarida xukuumada C/Wali Sheekh iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maman wuxuu bogaadiyey baarlamaanka isagoo sheegay in ay mareen qaabkii ugu macquulsanaa ee lagu xalin karo khilaafkii soo jiray mudda dheer ee hakad geliyey shaqada dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay in murankan siyaasadeed uu ubaahnaa xal deg deg ah si loo guda galo shaqooyinka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hogaamiyaha Howlgalka AMISOM wuxuu warkiisa ku sheegay doorka ay ka qaadaynos AMISOM xal u helda khilaafka madaxda iyo nabad gelyada dalka, wuxuuna yiri “AMISOM waxay u taagan tahay had iyo goor fulinta barnaamijka nabadeed ee dalka lagu gaarsiinayo 2016 doorasho dimuqaraadi ah.”

Maman Sidikou ayaa madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in sida ugu dhakhsiyaha badan uu u so magacaabo Ra’iisal wasaare sii wada shaqada dowladda. Sidoo kale wuxuu sheegay in Ra’iisal wasaaraha soo socda laga doonayo in uu fuliyo howl badan oo u yaala dowladda sida ka shaqayn Amniga gaar deegaamada aysan ka jirin dhamaystirka federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News