26 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Xog iyo gorfeyn: Ayax tag eelna reeb !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Soomaaliya waxaa ku dhacay cuduro  u baahan in laga daweeyo, cuduradaasi waxey saameen ku yeesheen, hanaankii dowliga ahaa ee hagi lahaa shacabka soomaaliyeed. Waxey naafeeyeen cuduradaasi, siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Waana siyaasad Gumeysi ka danbeeyo oo aaney shacabku fahmi Karin. Umadda soomaaliyeed oo ah umad isku diin iyo af iyo dhaqan ayaa hore waxaa ula dagay Gumeystihii dalka kala qeybiyey, haduu tagayna uu weli shaqeynayo fikirkiisii ahaa kala qeybin iyo is xukuno hoosaadyo aanu midba midka kale ogolaan Karin inuu la midoobo deriskiisa. Maamul Goboleedyada ayaana tusaale fiican inoogaga filan fikirka ka danbeeya iyo sida aanu gumeystaha qarsoon uu weli u daneyneyn in lahelo dowlad dhexe oo awood badan.

Marka laga hadlayo qaran umadda soomaaliyeed waa dadka ugu sahlan  qaran iney noqdaan waayo waxey buuxiyeen shuruudihii qaranimo ee ahaa umad isku af, dhaqan iyo diin. Balse danta laga leeyahay ayaa ah in Diinta iyo dhaqanku suulo, Afka hooyana la qiimo tiriyo lagana dhigo mid aan ku habooneyn nolosha iyo wax qabsiga, lagana sara mariyo luuqadaha qalaad.

Burburkii Soomaaliya, dalku wuxuu noqday goob bahalo galeen ah, cid weliba ayaa u soo shaqo tagtay ayagoo adeegsanaya damiir laawayaal kula midab iyo af iyo diin ah.  iyadoo inta badan shaqsiyaadka hormuudka ka noqdaahi siyaasada hogaanadda sare ee soomaliya loo adeegsado burburinta iyo kala qeybinta qabaa’ilada uu ka dhaxeyn jirey derisnimo iyo dhaqan wanaag. Waxeyna u adeegaan gumeystihii ina kala qeybiyey, waxey nagu oorkacsadaan soomaalinimo iyo iney u adeegayan dalka dadka iyo diintuba. Kitaab bey gacanta saaraan ilaahna uguma baqaan cuqubada ay ka galayaan shacab masaakiinta ah.  Midna xabad baa  dileyso midna gaajo baa dileyso midna badduu ku dhimanayaa. Wey jiraan weyna nool yihiin weli

29_Oct_2014Shaqsiyaad damiir wadaninimo leh laakin waxey la yihiin cid ku garab istaagta ama ku taageerta iney bulshada indho u noqdaan. Maqaalkeygani manta waxaa iigu yaab badnaa Baarlamaankii ayaa codeyey una codeyey in ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumada uu hogaamiyo Cabdiweli Sh Axmed. Tiro dhan 153 cod ayaa lagu riday tiro kale oo dhan 80 cod ayaana diiday, sidaasina ay ku dhacday xukuumadii uu hogaaminayey mudane C/weli Sh. Axmed. Soomaalidu nin tagay iyo nin dhuuntey bay hadal heynteedu u badan tahaye  maxaa lagu xasuusan doonaa C/weli Sh Axmed muxuuse ku soo kordhiyey mudadii 10-ka bilood aheyd??? Qof weliba fikirkiisa ayuu u madax banaan yahay, keyga hadaanse ka hadlo. Mudane Cabdiweli wuxu ka mid yahay shaqsiyaadkii dalka madaxda sare ka noqday, laakin uma nixin umana hambeyn soomaaliya gaar ahaan 10-ka gobol ee dhiban koofurta soomaaliya, weliba qoyskiisu ay wax ka dagaan. Safaradiisii ugu horeyey ee uu ku kala bixiyo gobolada soomaaliya, qeybo ka mid ah waxaa ka bilowday dagaalo sokeeye  sida Kismaayo iyo Gobolka Sh/hoose ee Marka.

Wuxuu kala jaray gobolka Mudug, Maamulka G/Banaadir oo cabasho badan u gudbiyey kana dacwoonayan Wasaaradda maaliyada mushahar la,aan iyo khidmadii gobolka loo qoondeyey 15% oo aan la siin waxna uusan ka qaban. Baarlamaankuse waxey ku eedeeyen inuu hareer maray Madaxweynihii soo magacaabay, uuna kala jebiyey golihii Wasiiradda si la mid ah Golihii Sharci dejinta ee Baarlamaanka oo uu laba u kala jebiyey. Waxaa is taagay horumaradii mashaariiceed ee caasimadda ka socday oo ay dowladu fadhigeedu yahay, xukuumadana ay  ka gaabisay howlahaa dardar gelintooda.

Mudane C/weli Sh Axmed Ra’isulwasaarihii hore ee soomaaliya toloww yuu eersan doonaa ma baarlamaanka mise Madaxweynaha iyo inta ku fikirka ah mise maamulka Puntland ee uu ka soo safriyey mashruuca burburinta qaranimo una adeegaya gumeystaashi. C/weli tag Eelna Reeb, Baarlamaanka oo ah hay’adii ugu sareysay sharci dejinta dalka wuxuu ka dhigay baarlamaan anshax xumo iyo fowdo ku noole ah. Qof weliba markuu tago ayey taariikhdu xusi doontaa wuxu la yimid shar iyo qeyr

W/Q: Ilyaas Harawi

Ilyaas81@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News