Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa mar kale lagu mamnuucay Socdaalada Wasiirada iyo ku-xigeenadooda ay ku doonayaan inay ugu ambabaxaan dalka dibadiisa.
Warkaani oo goor dhow kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxa uu daba socdaa war laba maalin ka hor kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia.
Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu sidoo kale, warkiisa ku sheegay in loo baahan yahay in Wasiirkii safar ah uu warqad fasax ah kasoo qaato Xafiiskiisa, waxa uuna ku baaqay in la tixgaliyo awaamirta Xafiiskiisa kasoo baxay.
Dhanka kale, waxa uu madaxweynaha ka digay in la baalmaro amarada kasoo baxa Xafiiskiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

