Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray dhanka Golaha Baarlamaanka DF Somalia, ayaa sheegaya in Xildhibaanada BF ay dalbadeen in xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya uu hor-yimaado baarlamaanka, si Su’aalo looga weydiiyo howlaha Xafiiskiisa.
Xildhibaan Maxamed C/llaahi oo kamid ah Xildhibaanadaasi ayaa sheegay in arrintani ay ka dambeysay kaddib go’aan ka soo baxay xeer ilaalinta qaranka, kaasi oo Safarada looga mamnuucay wasiirradii xukuumaddi Cabdiweli.
Xildhibaankaasi oo faahfaahin ka bixinaayay Arrintaani ayaa waxa uu yiri “ Dabcan Xeer ilaaliyaha waxa uu kamid yahay shaqsiyaadka Dowlada ee Su’aalaha laga weydiinaayo Howlahooda, insha allah waxan dooneynaa inaan su’aalo ka weydiin Howlo khuseeya Xafiiskiisa”
Sidoo kale, xildhibaanada dalbaday Xeer ilaaliyaha ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Ilkacase oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in baarlamaanka Somalia uu xaq u leeyahay in lala xisaabtamo oo baarlamaanka la hor keeno qof walba oo dowladda iyo shacabkaba danbi ka gala.
Hadalka xildhibaannada ayaa ku soo aadaya xilli lugu amray wasiirrada xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdiweli oo ay cod ku rideen baarlamaanka inaysan ka bixi karin Muqdisho ilaa ay xil wareejin sameeyaan.
Dhanka kale, Xildhibaanadaani ayaa iyagu ah kuwo ka didsan qaabka uu Xeer ilaaliyaha Qaranka ula dhaqmaayo Madaxda Dalka iyo amarada aan la tashiga laheyn ee uu ku dhaqaaqay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

