28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wafdi ka socday DF oo loo diiday inay galaan gudaha magaalada Beledweyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in galitaanka Magaaladaasi loo diiday Mas’uuliyiin ka socday DF Somalia gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Diidmadaani ayaa ka dambeysay kadib markii Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ay sheegeen in aan lagu Wargalin imaatinka Xubnaha ka socda DF.

Wafdiga loo diiday galida Beledweyne ayaa tiro ahaan ka kooban 5-Xubnood, iyagoona lagu celshay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baledweyen xili ay sugayeen soo dhaweyn diiran.

Sidoo kale waxaa wakhti dambe halkaasi gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan waxa ayna u sheegen Xubnahaasi in ka maamul ahaan aysan Balanqaadi karin Ammaankooda maadama AMISOM ay u diiday galitaanka Magaalada.

Dhanka kale, Wafdiga Garoonka lagu celiyay ayaa waxaa Horkacaayay Sargaal Magaciisa lagu sheegay Canab Axmed Ciise oo kamid ah Saraakiisha ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday in uu faah-faahin ka dhiibo wafdiga maanta loo diiday in uu gudaha u galo Magaalada Baledweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News