28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

AMISOM oo dad rayid ah ku toogatay Marko & xiisad kacsan oo halka ka jirta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marko (Caasimada Online)- Ciidamada AMISOM ayaa dad rayid ah ku dilay magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii bam gacmeen lagu tuuray gaadiid ah la socdeen.

Ciidamada ayaa la sheegay inay dileen dad rayid ah ayna qabteen labo dhalinyaro ah oo ku sugnaa magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan xaafada uu qaraxa ka dhacay.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cabdulaahi Cali, oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in hal ruux uu dhintay labo kalana ay dhaawacmeen markii ciidamada ay rasaas ku fureen dadkaasi rayidka ah.

“Walaal ciidamada AMISOM ayaa bam lagu tuuray, kadib hal ruux ayay dileen waliba bartamaha ayay ku dileen, ruuxa la dilay dadkii ay soo qabteen ayuu kamid ahaa, gacmaha ayay ka ururiyeen kadibna wey dileen”.

Ciidamada AMISOM ayaa marar badan dad rayid ah ku dilay magaalada Marko xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii qaraxyada lala eegto ay ku eedeeyeen inay dadka rayidka ka dambeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Shabeelaha Hoose
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News