Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta isagoo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku dhawaaqay qaar ka tirsan golihiisa wasiirrada.
Digreeto uu soo saaray Shariif Xasan ayuu ku magacaabay afar wasiir oo ka tirsanaan doona maamulkiisa, kuwaas oo kala ah wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose, Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan, wasiirka maaliyadda Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur, wasiirka caddaaladda iyo garsoorka Axmed Sheekh Xasan Fiqi iyo wasiirka beeraha Maxamed Xasan Fiqi.
Afhayeenka maamulka, Siyaad Sheekh Cumar Daahir ayaa akhriyay digreetada lagu magacaabay xubnaha golaha wasiirrada cusub.
Xildhibaanno ka tirsan BF Somalia iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ahaa dhacdadii maanta ee lagu shaaciyay wasiirrada cusub.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay inuu dhowaan dhammaystiri doono golihiisa wasiirrada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

