30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee socdaalka Xasan Sheekh uu ku joogo Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in si aad ah halkaasi loogu soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray.

C/qaadir Lugadheere oo kamid ah Mas’uuliyiinta Maamulka ayaa sheegay in Shacabka Kismaayo iyo maamulka intaba si heer sare ah u soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo Wafdigiisa,wuxuuna intaasi raaciyay hadalkiisa in hada Madaxweynaha uu kulumo la qaadanayo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo uu ahaa ka qeybgalka Munaasabad lagu sagootinaayay Ciidamada dalka Sierra Leone ka socda ee qaybta ka ah AMISOM oo dalka ka baxaya.

Waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in Madaxweynaha uu Khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha iyo Ciidamada Sierra Leone oo iyagu dib ugu laaban doono dalkooda kadib markii la waayay Ciidamadii lagu bedeli lahaa.

”Madaxweynaha waxa uu sagootiyay Ciidamada Sierra Leone oo la waayay kuwii bedeli lahaa maadama Sanad iyo wax la jiro ay Kismaayo ku sugan yihiin, waxaana booska ay faarujiyaan gali doono Ciidamo gaar ah oo ka socda Ethiopia”

Ciidamada Sierra Leone ee maanta baxaya ayaa muddo sannado ah dalka ku sugnaa, iyadoo aan wax bedel ah lagu sameyn, maadaama uu dalkoodu ka jiro cudurka halista ah ee Ebola oo kumannaan qof ku dilay dalalka ku yaalla Galbeedka Afrika.

Dhanka kale, Dowladda Somalia iyo Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in ciidammo ka socda dalka Sierra Leone aysan imaan karin Soomaaliya, taasoo ay sabab uga dhigeen si looga hortago in cudurka Ebola uu soo gaaro Soomaaliya.

Bilihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidammo ka tirsan kuwa Sierra Leone oo la doonayay in lagu bedelo kuwa maanta baxaya laga helay mid ka mid ah cudurka Ebola, taasoo keentay in la joojiyo imaatinkoodii Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News