28.1 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan Sh. oo qaswadayasha SOMALIA hal tallaabo oo uu qadaay ku qanciyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhaqaaqay qancinta Kooxdii loogu yeeri jiray Qaswadayaasha Somalia ee xarunta ugu weyn ku lahaa Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Qaswadayaasha ayaa waxaa kamid ahaa Ra’isul wasaaraha Cusub ee Somalia CCC Sharmaarke oo lagu xasuusto abaabulka olole Siyaasadeed iyo Shirar heer caalami oo looga soo horjeeday DF Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu wanaag u arkaa in Cumar Cabdirashiid uu ka samata bixin karo Fashiladii Dowladiisa ku imaaday inta uu xilkaani hayay, waxaana xusid mudan in magacaabida CCC ay tahay mid ay ka dambeyeen Beesha Caalamka, maadama CC uu yahay nin in muddo ah ku dhex noola Reer galbeedka.

Ujeedka soo dadajiyay in CCC xilkaasi loo magacaabo ayaa ah in Madaxweyne Xassan Sheekh uu Beesha Caalamka ka iibiyo Xukuumada Cusub in muddo dheer saaxiib u aheyd Khilaaf iyo isqabqabsi, waxa ayna tani meesha ka saareysaa fahamkii laga qabay in Qaswadayaasha Somalia ee u badnaa kuwa ku xiran Reer Galbeedka ay Beesha Caalamka dhagta bixid ugu waramaan.

Dhanka kale, waxaa xusid mudan in kuwa kasoo haray Qaswadayaasha Somalia lafilaayo inay kasoo dhex muuqdan Xukuumada Cusub ee uu dhawaan soo dhisi doono R/W CCC, kadib markii Cumar C/rashiid la siiyay in Xukuumada Cusub uu kusoo darsado illaa Seddex Wasaaradood, balse aan saameyn laheyn.

Qaswadayaasha oo xiligaani inta badan Jagooyin ka haaya DF iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa kamid ah:-

1 – R/W CCC Sharmaarke

2 – Axmed Madoobe

3 – Shariif Xassan Sheekh Aadan

4 – C/Weli Gaas

5 – Cali Khaliif Galeyr

8 – Cali Maxaed Geedi

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News