32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xasan Sh. oo ka qeybgalay kulan looga hadlaayay xasil darada dalka ka tagan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdidho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayay amniga dalka oo xalay lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwo saraakiisha AMISOM, iyadoo looga hadlay sidii loo sii dar dar gelin lahaa howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha nabad diidka ah.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu sii sagootiyay taliyihii ciidanka AMISOM ee sanadki tegay, kaasoo lagu amaanay waxqabad wanaagsan mudadii uu shaqeeynayay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amaan iyo bogaadin usoo jeediyay saraakiisha iyo ciidamada amaanka ee bur buriyay shabakado argagixiso oo si qarsoodi ah uga jiray Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay saraakiisha ciidanka ineey sii kordhayaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ah, si loo xaqiijiyo ammaanka guud ee dalka iyo kan caasimadda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News