Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay weli jiraan dhaliilo Ra’isul wasaaraha Cusub ee Somalia u jeedinayaan Wasiiro hore iyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo kamid ah BF.
Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha Cusub uu leeyahay dhaliilo farabadan haddii uu waajibkiisa gudan waayana uu mari doono halkii uu maray Shirdoon iyo C/weli Sheekh.
Xil. Cabdi Barre waxa uu sidoo kale, sheegay inuu digniin adag u diraayo Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali.
Waxa uu R/W CCC Sharmaarke ugu baaqay in uusan Xukumadiisa ku soo darin Wasiiradii Xukumaddii C/wali Sheikh Axmed ee sheegay Xiligii Khilaafka in ay iscasilayaan hadii usan Ra’iisul wasaaruhu Xilka ka dagin iyo Xildhibaanadii u ololeenayay in Xukumaddaasi la rido.
”Haddii ay dhacdo in Xukuumada Cusub lagu soo daro Wasiiradii ku goodinaayay inay iscasilayaan haddii usan iscasilin C/weli Sheekh iyo Xildhibaanadii u ololeynaayay dhicitaanka C/weli, Ra’isul wasaare CCC Sharmaarke waxa uu halkaasi ku weyn doonaa xilkiisa, waxa uuna sameysan doona mucaarad ka dabashaqeeya”
Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Barre oo xiligaani lagu xasuusto ololihii looga soo horjeeday Mooshinkii uu xilka ku waayay C/weli Sheekh Axmed, ayaa waxa uu sheegay in hadii ay taasi dhacdo uu Cumar C/rashiid Sharmaake la kulmi doono Cawaaqib xoogan oo Xildhibaanada uga imaan karta sida uu sheegay.
Dhanka kale, hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo ay jirto Wasiiro katirsanaa Xukumaddii hore iyo Xildhibaano BF kamid ah oo raadinaya in ay Wasiir ka helaan Xukumadda Mr Sharmaake.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com