Faarax C/qaadir oo xusul duub xoogan ugu jira xil aan laga fileynin (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno, Sii haayaha Wasaarada Dastuurka Faarax C/qaadir ayaa xusul duub ugu jira sida uu ku qaban lahaa xilka gudoomiye ku-xigeenka BF Somalia oo uu hadda hayo Iikar Nuur Jeylaani.

Faarax C/qaadir ayaa wada qorsho Iikar loogu magacaabayo mid kamid ah Wasaaradaha Cusub ee dhawaan lagu dhawaaqi doono, waxa uu isaguna halkaasi kula wareegi doonaa Xilka uu BF ka hayo Iikar Nuur, sida ay xogtu tibaaxeyso

Ujeedka uu Faarax C/qaadir xilkaasi u haminaayo ayaa waxaa lagu micneeyay mid uu Faarax ku doonayo inuu ku difaaco Damjadiid, islamarkaana aan looga itaal roonaan dhanka BF Somalia oo ah halka kaliya lagu maja xaabin karo siyaasadda kooxdiisa.

Sababta Faarax Cabduqadir uga tanasulay xilkiisa Wasiirnimo ayaa la xaqiijiyay iney ka dhalatay qorshe ay si wada jir ah ay u degeen Isaga iyo Shariif Xasan, waxeeyna qorsheeynayaan in laga taqaluso Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Ku xigeenkiisa Mahad Cawad.

Dhanka kale, Madxaweyne Xassan ayaa waxa uu dhankiisa dadaal badan ku bixinayaa in Xukuumada soo socta ay ka duwanaato Xukuumadihii hore, waxa uuna ka cabsi qabaa in doorashooyinka 2016 ay waayan, waa haddii aysan xajisan BF iyo Wasaaradaha qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com