Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha aan weli helin codka Baarlamaanka Cumar Cabdirashiid ayaa Muqdisho kulama kula yeeshay qaar ka mida Safiirada Caalamka.
Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa kulamo salaan iyo hambalyo isugu jira la qaatay safiirrada Djabouti, Turkiga iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya. Kulamadaan ayaa isugu jiray Salaan, Hambalyo, iyo Isbarasho, waxayna ku dhaceen jawi daganaan ka muuqato.
Safiirrada ayaa soo gaarsiiyey Hambalyo ay ka sideen madaxda dalalkooda iyo Xoghayha Guud ee QM , waxayna balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan xiriirkii ka dhaxeeya dalalkooda iyo dowlada Soomaliya.
Sidoo kale, Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aadan xaaladda wadanka iyo sidii ay u dhexemari lahayd Xukuumadda uu soo dhisi doono wada-shaqayn, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarka ay sanadihii u dambeeyay ay gaartay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay si weyn usoo dhaweeyeen safiirada kulanka ka qeybgalay magacaabidda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Cumar C/rashiid ayaa uga mahadceliyay safiirrada dhambaalka ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada xoogan ee ay la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay Xukuumadda uu soo dhisi doono in ay sii xoojinayso cilaaqaadka u dhexeeya caalamka.