Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho ku tagey dalka Jabuuti, ayaa waxa uu kula kulmay Madaxweynaha Xukuumada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tagey dalka Jabuuti, markii siyaabooyin kala gedisan ay casuumaad uga helayn Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.
Madaxweyne-yaasha, ayaa waxay isku arkayn Madaxtooyada Magaalada Djibouti, xilli siyaabooyin kala duwan looga soo gelbiyay Garoonka Duulimaadyada ee Magaaladaasi.
Labada dhinac, ayaa waxaa lagu wadaa in kulankoodii labaad ay ku yeeshaan dalka Jabuuti, iyadoo Madaxweynaha Jabuuti uu dhabarka ka riixaayo, sidii ay horey ugu sii amba qaadi lahaayeen wada hadaladii u socday.
Lama garanaayo mudada uu socon doono kulanka, si rasmi ahna looma sheegin ajandayaasha ay dhinacyadaan kaga hadlayaan, kulanka uu soo qaban qaabiyay Madaxweyne Geele.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]